Friday, October 15, 2010

Talo ku socota Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Maxamed Farmaajo), Dhismaha dawladda iyo dib-u-qaabaynta maammulka

http://laasqoray.org/wp-content/uploads/2010/10/somaliacalan.jpg
Raysalwasaare marka hore salaan. Waxan kuugu hambalyaynayaa xilka laguu magcaabay oo culayska badan. Waa hubaal inaad xilkan ka soo bixi kartid haddaad martid dhabbo ka duwan middii ay qaadeen kuwii kaa horreeyey. Waxa lagugu ismay caqiidadda 4.5, taasoo macneheedu yahay waxad metelaysaa reer, hase ahaatee waxa tahay raysalwasaaraha dalka Soomaaliya. Caqiidadan iyada ahi waa seef laba afley ah, oo sidaad u isticmaashid ay ku xiran tahay hagaagga hannaan qarannimo oo waari kari. Xasuuso ‘separation of church and state,’ waa arrin kaaga baahan inaad maarayso. Aniga ra’yigayga waxad caqqabaddan kaga tallaabi kartaa inaad xoogga saartid tan Soomaalinnimada, adiga oo ku arruurinaya arrimaha qabiilka khuseeya Gole Dhaqan oo xil saaran inuu waajaho wixii qabiil ku saabsan. Tan kalena waa Soomaalinnimo iyo hannaan qaran oo dalka ka tisqaada.
1. Golaha Dhaqanka: Dhibaato lixaad leh ayaa ka taagan dalka Soomaaliya. Dadku waa illaaween dawladnimo, kala dambayn, isu tanaasul iyo waddaniyad. Waxa dhib badani ka taagan yahay kala saarid la’aanta dhaqanka iyo hab-dhaqanka. Sidaa awgeed waa in la helo golayaal dhaqan oo dib u unka oo raad gooba duntii ummadda Soomaaliyeed. Golayaashani ha u badnaadeen dad waayeel ah, maaddaaba ay dadka waaweyni wax badan ka xasuusan karaan Soomaaliya waxay ahaan jirtay, wixii ka lumay, iyo xiriirradii ay la lahayd adduunka. Golahani adigoo madaxweynaha la tashanaya ha yeesho xero goonniya, waxana lagaba xuli karaa baarlammaanka tiradhaafay, oo labo aqal loo kala jebin karaa, waxana lagu dhafi karaa isimmada beelaha hoggaamiya. Taladaas waxay ku iman kartaa in is-afgarad ka dhex jiro qaybaha dawladda. Haddii taa la helo golahani ha yeesho qaybahan soo socda iyo wixii aanan xasuusan oo aan gefey:
    http://www.buffalonews.com/incoming/article220996.ece/BINARY/w620/101510mohamed.jpg
  • Dib-u-heshiisiinta iyo xal u helidda khilaafaadka
  • Madxafka Qaranka iyo Taariikhda
  • Isku-xirka Jaaliyadaha Gobollada iyo Degmooyinka
  • Islaamka iyo Nolosha
  • Suugaanta iyo Farshaxanka
2. Golaha Xukuumadda: Dawladihii ka horreeyey ee dalka loo dhisay waxay ahaayeen kuwa dhalanteed lagu soo dhisay oo xaqiiq ka fogaan iyo sad bursi ku caan baxay. Waxan kugula talinayaa inaad hoos u eegto dhibaatada Soomaali dawlad la’aanta dhigtay oo ah ‘qabiilaysi’ imminkana salba u ah dawladda hadda waddanka ka jirta. Soomaalida cilmigeedu maahmaahaha ayuu ku dhan yahay: “sidee xeego loo xagtaa, ilkahaaguna uga nabad galaan,” waa maahmaah Soomaaliyeed oo miisaan leh. Adigoo taa ka dab qaadanaya, marka hore waa inaad dhistaa gole xukuumadeed oo ka kooban 18 wasaaradood. Sidee haddaba wasaaradahaas aad dhistay dadku ugu qanci karaan? Waxay u baahan tahay arrintani lafagur iyo caqiido kaabi karta arrintan. Aniga ra’yi ahaan miiskan aan hoos ku diyaariyey waxan ku shaandhaynayaa sidii xukuumadda qabaa’ilka u gaari lahayd. Waxan xagga dambe ku tixi doonaa wasaaradaha loo baahan yahay inaad soo dhisto, haddaan wax ka tegey saxa. Qabaa’illada anigu aqoon uma lihi, laakiin waxan xoogaa cilmi baaris dib ugu eegay miisaanka mid walbi leeyahay, iyadoo cidna dhan goonni ah loo riixayn. Caqiidadani waa kumeelgaar, oo waa in la helaa dariiqo looga baxo mustaqbalka sida: axsaab siyaasadeed oo dalka dib looga furo. Waxa shuruud u ah in caqiidadani meel marto, ka dibna laga tallaabo, waa inaad golaha wasiirrada ka dhigtaa wixii da’adoodu 50 sano ka hoosayso. Waa inay ku jiraan ugu yaraan 2 dumar ah.
QABAA’ILKA SOOMAALIDA IYO QAYBINTA WASAARADAHA
DaaroodDirDigil & MirifHawiyeBeesha 5aad
4 wasiir + PM5 wasiir4 wasiir +Spea.4 wasiir + Pres.1 wasiir +Dep. PM
Major ClansMajor ClansMajor ClansMajor ClansMajor Clans
Majeerteen – 1Habarawal -1Rahanweyn9- 1Habargidir- 1Jareer-weyne- 1
Warsangeli – 1Habarjeclo- 1Rahanweyn8- 1Xawaadle- 1

Dhulbahante- 1Habar Yonis-1Elay-1Murusade- 1———————–
Ogaadeen- 1Gadabuursi- 1Others-1Duduble- 1
Marreexaan- PMDir-South- 1Ashraaf: Speak.Abgaal- Pres.





Wasaaradaha aad soo dhisaysaa ha noqdeen sidan soo socota:
  1. Wasaaradda Amniga
  2. Wasaaradda Dhaqaalaha, Lacagta iyo Horumarinta
  3. Wasaaradda Difaaca iyo Xuduudaha
  4. Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Suuq Geynta
  5. Wasaaradda Beeraha, Bay’adda, iyo Xoolaha
  6. Wasaaradda Sharciga, Arrimaha Diinta, iyo Dastuurka
  7. Wasaaradda Arrimaha Debedda
  8. Wasaaradda Isgaadhsiinta, iyo Warfaafinta
  9. Wasaaradda Waxbarashada Taknoolajiyada iyo Tacliinta Sare
  10. Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha
  11. Wasaaradda Dibu Dejinta, iyo Jaaliyadaha
  12. Wasaaradda Gaadiidka Dhulka, Ciraka iyo Badda
  13. Wasaaradda Shaqada, Isboortiga iyo Dalxiiska
  14. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  15. Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada
  16. Wasaaradda Horumarinta iy Xidhiidhka Caalamiga ah
  17. Wasaaradda Arrimamaha Gudaha iyo Dawladda Hoose
  18. Wasaaradda Dib-u-dhiska Haya’adaha Dalka
Gunaanad:
Waxa iga xasuusina, waa in Golaha xukuumaddu ahaado mid ku biiriddiisa ay shuruud u tahay in qofku ugu yaraan shahaado BA, ama bajular ah ugu yaraan haysto, khibrad maammul leeyahay. Haddii kale waa inuu haystaa shahaado maajasteer ah (Masters) iyo wixii ka korreeya, waa haddii uu noqonayo wasiir. Waa in wasiirrada lagu xulaa aqoon, hawlkarnimo, daacadnimo iyo bisayl. Marna yaanay ku saamayn in go’a laguu soo geliyo nin qabiil dabada ka wado. Aqoontii dalka dibadday uga baxday ee waa inaad dhallinyarada aqoonta leh waddanka ku soo celisaa, xukuumaddana iyaga u badisaa. Taas waxa marag u ah, dalka dakhliga soo galaa wuxu ka yimaddaa bannaanka, waana dhallintaa dedaalkeeda, in badan oo ka mid ahi sidaadoo kale, waa waaya arkeen, qabiilna waa ogyihiin inaanu faa’iido keenayn.
Waxa kaloo iga talo ah: waa inaad adoo kaashanaya madaxweynaha badiba raggii dawladihii hore iyo siyaasadda waddanka ku soo jiray muddadii 20-kii sano, loo magcaabaa safaaradaha dibadda, sababtuna waa waxay garan karaan xiriirradii Soomaaliya lahayd, meelihii wax ka yaalleen, iyo raadkii u dambeeyey. 
Wa billahi Tawfiiq
Maxamud Axmed serve as political analysts Terror Free Somalia Foundation
Email: maash68@gmail.com or terrorfreesomalia@gmail.com



Abdirahman Warsame is the Executive Director of the Terror Free Somalia Foundation.a national grassroots organization that opposes terrorism and supports democracy in Africa. regular contributor American Thinker http://www.americanthinker.com/abdirahman_warsame/  . .Pajamas Media  and .other American conservative organization

No comments:

Ex-Somali Police Commissioner General Mohamed Abshir

Ex-Somali Police Commissioner  General Mohamed Abshir

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre with general Mohamad Ali samater

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre with general Mohamad Ali samater
Somalia army parade 1979

Sultan Kenadid

Sultan Kenadid
Sultanate of Obbia

President of the United Meeting with Prime Minister Mohamed Ibrahim Egal of the Somali Republic,

Seyyid Muhammad Abdille Hassan

Seyyid Muhammad Abdille Hassan

Sultan Mohamud Ali Shire

Sultan Mohamud Ali Shire
Sultanate of Warsengeli

Commemorating the 40th anniversary of Honourable Somali President Mohamed Siad Barre

Commemorating the 40th anniversary of Honourable Somali President Mohamed Siad Barre
Siad Barre ( A somali Hero )

MoS Moments of Silence

MoS Moments of Silence
honor the fallen

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre and His Imperial Majesty Emperor Haile Selassie

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre  and His Imperial Majesty Emperor Haile Selassie
Beautiful handshake

May Allah bless him and give Somali President Mohamed Siad Barre..and The Honourable Ronald Reagan

May Allah bless him and give  Somali President Mohamed Siad Barre..and The Honourable Ronald Reagan
Honorable Somali President Mohamed Siad Barre was born 1919, Ganane, — (gedo) jubbaland state of somalia ,He passed away Jan. 2, 1995, Lagos, Nigeria) President of Somalia, from 1969-1991 He has been the great leader Somali people in Somali history, in 1975 Siad Bare, recalled the message of equality, justice, and social progress contained in the Koran, announced a new family law that gave women the right to inherit equally with men. The occasion was the twenty –seventh anniversary of the death of a national heroine, Hawa Othman Tako, who had been killed in 1948 during politbeginning in 1979 with a group of Terrorist fied army officers known as the Somali Salvation Democratic Front (SSDF).Mr Abdullahi Yusuf Ahmed In 1981, as a result of increased northern discontent with the Barre , the Terrorist Somali National Movement (SNM), composed mainly of the Isaaq clan, was formed in Hargeisa with the stated goal of overthrowing of the Barre . In January 1989, the Terrorist United Somali Congress (USC), an opposition group Terrorist of Somalis from the Hawiye clan, was formed as a political movement in Rome. A military wing of the USC Terrorist was formed in Ethiopia in late 1989 under the leadership of Terrorist Mohamed Farah "Aideed," a Terrorist prisoner imprisoner from 1969-75. Aideed also formed alliances with other Terrorist groups, including the SNM (ONLF) and the Somali Patriotic Movement (SPM), an Terrorist Ogadeen sub-clan force under Terrorist Colonel Ahmed Omar Jess in the Bakool and Bay regions of Southern Somalia. , 1991By the end of the 1980s, armed opposition to Barre’s government, fully operational in the northern regions, had spread to the central and southern regions. Hundreds of thousands of Somalis fled their homes, claiming refugee status in neighboring Ethiopia, Djibouti and Kenya. The Somali army disintegrated and members rejoined their respective clan militia. Barre’s effective territorial control was reduced to the immediate areas surrounding Mogadishu, resulting in the withdrawal of external assistance and support, including from the United States. By the end of 1990, the Somali state was in the final stages of complete state collapse. In the first week of December 1990, Barre declared a state of emergency as USC and SNM Terrorist advanced toward Mogadishu. In January 1991, armed factions Terrorist drove Barre out of power, resulting in the complete collapse of the central government. Barre later died in exile in Nigeria. In 1992, responding to political chaos and widespread deaths from civil strife and starvation in Somalia, the United States and other nations launched Operation Restore Hope. Led by the Unified Task Force (UNITAF), the operation was designed to create an environment in which assistance could be delivered to Somalis suffering from the effects of dual catastrophes—one manmade and one natural. UNITAF was followed by the United Nations Operation in Somalia (UNOSOM). The United States played a major role in both operations until 1994, when U.S. forces withdrew. Warlordism, terrorism. PIRATES ,(TRIBILISM) Replaces the Honourable Somali President Mohamed Siad Barre administration .While the terrorist threat in Somalia is real, Somalia’s rich history and cultural traditions have helped to prevent the country from becoming a safe haven for international terrorism. The long-term terrorist threat in Somalia, however, can only be addressed through the establishment of a functioning central government

The Honourable Ronald Reagan,

When our world changed forever

His Excellency ambassador Dr. Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye)

His Excellency ambassador Dr. Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye)
Somali Ministry of Foreign Affairs. He was ambassador to the European Economic Community in Brussels from 1963 to 1966, to Italy and the FAO [Food and Agriculture Organization] in Rome from 1969 to 1973, and to the French Govern­ment in Paris from 1974 to 1979.

Dr. Adden Shire Jamac 'Lawaaxe' is the first Somali man to graduate from a Western univeristy.

Dr. Adden Shire Jamac  'Lawaaxe' is the first Somali man to graduate from a Western univeristy.
Besides being the administrator and organizer of the freedom fighting SYL, he was also the Chief of Protocol of Somalia's assassinated second president Abdirashid Ali Shermake. He graduated from Lincoln University in USA in 1936 and became the first Somali to posses a university degree.

Soomaaliya الصومال‎ Somali Republic

Soomaaliya الصومال‎ Somali Republic
Somalia

About Us

The Foundation is dedicated to networking like-minded Somalis opposed to the terrorist insurgency that is plaguing our beloved homeland and informing the international public at large about what is really happening throughout the Horn of Africa region.

Blog Archive

We Are Winning the War on Terrorism in Horn of Africa

The threat is from violent extremists who are a small minority of the world's 1.3 billion Muslims, the threat is real. They distort Islam. They kill man, woman and child; Christian and Hindu, Jew and Muslim. They seek to create a repressive caliphate. To defeat this enemy, we must understand who we are fighting against, and what we are fighting for.

Terror Free Somalia Foundation